Al-Shabaab oo degaanno laga qabsaday iyadoo Ciid ku mashquulsan

Ciidanka dowladda ayaa qabsadey saddex tuulo oo ku yaalla gobolka Hiiraan, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta saddex degaan oo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan, bartamaha dalka.

Degaanada laga saarey Kooxda Al-Shabaab ayaa kala ah Cumaad, Qulaale iyo Madhooy kadib howlgal socday muddo Todobaad ah, kaasoo loogu tala-galay in lagu xaqiijiyo amniga gobolka.

La wareegista waxay dhacday xili Maanta ku mashquulsanayd Ciidul Fitriga oo laga ciidayay degaannada ay xoogga ku haysato ee bartamaha iyo Koonfurta dalka, iyadoo Caalamka intiisa kala laga sooman yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.