Al-Shabaab oo gubay degaanka Yaaqberi-weyne

Kooxda Al-Shabaab ayaa gubay oo dab qabad siiyay qeybo ka mid xafadaha degaanka Yaaqberi-weyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo gubay degaanka Yaaqberi-weyne

YAAQBER-WEYNE, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa dadka degaanka Yaaqberi-Weyne ku amray in ka guuraan degaanka iyagoo la ogeyn u jeedada ay ka leeyihiin amarka ay dul dhigeen shacabka.

Dadka daggan tuulada oo u badan dan yar aan meel kale oo ay u guuraan heysan ayaa fulin amarkii Al-Shabaab tas oo sababtay in argagixasado dab qabadsiiyaan qeybo ka mid ah xaafadaha degaanka.

Guud ahaan gobolka Shabeellaha hoose ayay Kooxda Al-Shabaab ka geystaan falal amni darro, mana jirto wax jawaab ah oo Dowladda farmaajo ay ka bixiso arrinkaas.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.