Al-Shabaab oo Hub ay ka heshay DF ku weerartay Jubbaland

Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirka Garoowe ayaa sheegay in dowladda Federaalka si hoose hub u siisay Al-Shabaab xili uu weerar ka socday degaanka Baar-Sanguuni sanadkii 2018.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo Hub ay ka heshay DF ku weerartay Jubbaland

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in hub ay leedahay dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab ku weerartay saldhig Ciidanka Jubbaland ku leeyihiin degaanka Baar-Sanguuni, oo ku dhaw Kismaayo sanadkii tagey.

Wuxuu ka sheegay hadalkan Shirka magaaladda Garoowe, isagoo intaasi ku daray in Al-Shabaab markii lagu jebiyay dagaalka ay si dhaqso ah kusoo gaarey hub aad u fara badan oo dhinaca dowladda uga yimid, kadibna ay weerar rogaal-celis ah kusoo qaadeen.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu xusay in Ciidanka maamulkiisa iyo kan dowladda Dhexe uusan ka dhaxayn wax wadashaqeyn ah, taasoo keentay in lagu soo hubeeyo Al-Shabaab si ay u layso askartiisa ku sugan duleedka Kismaayo.

Weerarka Baar-Sanguuni oo dhacay June 2018 waxaa ku dhintay askar badan, oo uu ku jiray Askari Ameerikaan ah oo qeyb ka ah Ciidamada degan saldhigga kaasoo laga qorsheeyo howlgallada lagu beegsado degaanada Al-Shabaab.

Dhanka dowladda kama aysan jawaabin eedeyntan culus, oo kusoo beegmaysa xili warbixino horey Monitering Group u daabacday ay sheegeen in hubka ay ku dagaalanto Al-Shabaab yahay midka dowladda usoo dego.

Labo nooc ayay hubka ku heshaa Al-Shabaab, oo kala ah inay ku qabsato weerarada ay ku qaado saldhigyada Ciidanka ama in si suuq madow ah looga iibiyo, maadaama ay jiraan shaqsiyaad badan oo Wasaaradda difaaca katirsan oo si hoose Kooxda ula shaqeeya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.