Al-Shabaab oo is xasuuqay – Dowladdu maxay ka tiri?

Dowladda Federaalka ayaa tacadiyadaas ku tilmaantey kuwo ka baxsan diinta Islaamka, aadminimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed intaba, waxayna xustay in Dowladdu ay daaweyn lahayd dhaawacyada kadib u gudbin lahayd xarumaha dhaqan celiska.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo is xasuuqay – Dowladdu maxay ka tiri?

MUQDISHO, Soomaaliya – War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu cambaareysay tacaddiyo xuquuqul insaanka ka baxsan oo Dowladdu sheegtay in Kooxda Al-Shabaab kula kaceen askartii Al-Shabaab looga dhaawacay dagaalka.

Wasaaradda Warfaafinta waxa ay sheegtay in Al-Shabaab ay dhawaan degmada Aadan Yabaal ku laayeen in ka badan 100 xubnood oo iyaga ka mid ahaa kuwaas oo ku dhaawacmay dagaalkii kooxda looga saaray degaannada hoos taga Aadan Yabaal.  

Dowladda Federaalka ayaa tacadiyadaas ku tilmaantey kuwo ka baxsan diinta Islaamka, aadminimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed intaba, waxayna xustay in Dowladdu ay daaweyn lahayd dhaawacyada kadib u gudbin lahayd xarumaha dhaqan celiska.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in dhalinyaradaasi la khaldey ay heli lahaayeen soo dhoweyn iyo in loo diyaariyo inay bulshada dib uga mid noqdaan marka ay dhameystaan barnaamijyada dhaqan celinta ee dowladda” ayay tiri Dowladda.

“Waxaa mar kale loogu baaqayaa dhalinyarada la khaldey inay iska diidaan awaamiirta horjoogeyaasha arxanlaaweyaasha ah, ayna degdeg isugu soo dhiibaan dowladda si naftooda iyo mustaqbalkooda loo badbaadiyo”, ayay Dowladdu hadalka ku sii dartay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.