Al-Shabaab iyo Ciidanka DF oo dagaal ku dhexmaray gobolka Baay

Taliyaha ayaa sheegay in ay Al-Shabaab dagaalka kaga dileen 17 xubnood oo uu ku jiro sarkaalkii qaabilsanaa Gobolka Baay oo lagu magacaabo C/casiis Isxaaq Nuurow (Abuu Yaxye).

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab iyo Ciidanka DF oo dagaal ku dhexmaray gobolka Baay

MUQDISHO, Soomaaliya - Milateriga Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dagaal xooggan oo maalinimadii shalay aheyd ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo 26-KM dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Gen. Maxamed Sheekh C/llaahi ayaa sheegay in dagaalkaas ay Al-Shabaab uga dileen saraakiil sare, tiro kalena lagu dhaawacay, iyagoo jab xooggan ku gaarsiiyay dagaalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa sheegay in ay Al-Shabaab dagaalka kaga dileen 17 xubnood oo uu ku jiro sarkaalkii qaabilsanaa Gobolka Baay oo lagu magacaabo C/casiis Isxaaq Nuurow (Abuu Yaxye) iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah oo dagaalka qeyb ka ahaa.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in ay dhinacooda dagaalka uga dhinteen hal sarkaal iyo saddex askari, waxuuna intaas ku daray in ay haatan gacanta ku hayaan goobihii shalay lagu dagaalamay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa shalay ku dagaalamay deegaanka Deynuunaay, daagalka ayaana yimid kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku soo qaadeen fariisin ay Ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka.

Ilaa hadda majiro war ka madax banaan labada dhinac, oo xaqiijinaya khasaaraha Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda kasoo gaarey dagaalkii shalay ka dhacay Deynuunaay, oo ah goob muhiim ah, oo laga ilaaliyo amaanka Baydhabo.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.