Al-Shabaab oo laga dilay Hogaamiye iyo xubno badan

Idaacad ku hadasha afka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay Al-Shabaab la kulantay jab xooggan, kadib markii lagu weeraray saldhig ay ku lahayd gobolka Sh/Hoose.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Siidow Nuur [Abu Muxsin], oo ahaa hogaamiye katirsan Kooxda Al-Shabaab iyo 18 xubnood oo kale ayaa lagu dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka Bariire, gobolka Shabeellaha Hoose.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku beeninayso ama ku xaqiijinayso sheegashadda Saraakiisha Ciidanka DF. Mudooyinkii dambe waxaa sii kordhay weerarada ka dhacaya gobolka iyo dagaallada u dhaxeeya labada dhinac.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.