Al-Shabaab oo lagu weeraray goob ay ku shirayeen

Kumaandooska DANAB ayaa fuliyay weerarka, iyadoo dhanka cirka ay ka taageerayeen Ciidamada Mareykanka oo isticmaalayay diyaaradaha dagaalka, sida ay dadka degaanka u sheegeen KON.

Warar Keydmedia Online

Dhowr horjooge ayaa lagu dilay weerarka oo lagu qaadey guri ay ku shirayeen xubno katirsan Al-Shabaab, kaasoo ku yaalla degaanka Daarusalaam ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo mudooyinkii dambe ka socdeen howlgallo military.

Jen Ismaaciil C/maalik, oo ah taliyaha DANAB ayaa sheegay in duqeyn lala eegtay xubnihii ka badbaaday howlgalka iyagoo cararaya, waxaana laga dilay dagaalyahan dhowr ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.