Al-Shabaab oo Nolosha ku gubtey 12 qof G/Gedo

Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay gubtay guryo, Ceelal iyo gaadiid raashiid wadey gobollada Dhexe, sidoo kalena ay dad shacab ah ku dileen meelo kala duwan dalka.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo Nolosha ku gubtey 12 qof G/Gedo

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-shabaab ayaa Jimcihii shalay dishay 12-qof oo Ceel-byood ka qodayay degaanka abaarta ku dhuftay oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegeen dadka degaanka iyo Mas'uuliyiinta.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Gariley ee Koonfurta gobolka Gedo, iyadoo dadka ay kooxda dishay ahaayeen shaqaalihii ku sugnaa goobta, kuwaasoo markii la dilay kadib la gubay meydadkooda iyo qalabkii ay ku qodayeen Ceelka, sida uu sheegay Mahad Cabdi oo ka mid ah dadka deegaanka oo goobta booqday.

Degaankan ayaa waxaa ka taagan abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika soo marta muddo 40 sano ah, taasoo keentay in Qaramada Midoobay ay ka digtay macaluul soo fool leh.

Aad baan uga xumahay in Al-shabaab ay dhibaato intaas la eg u geysato dadka Ceel u qodayay Shacabka ooman ee abaarta saameysay, oo u doonan jiray biyo 100-km meel u jirta,” ayuu Mahad Cabdi u sheegay Reuters.

Maxamuud Cabdi Warsame oo ah gudoomiyaha degaanka Gaariley, ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada, waxaana uu sheegay in sidoo kale Ciidamada ammaanka ay dileen lix ka tirsan Al-Shabaab.

Lama oga sababta falka argagaxa leh Al-Shabaab dadka shacabka ah ugu geysatay Gedo.

Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay gubtay guryo, Ceelal iyo gaadiid raashiid wadey gobollada Dhexe, sidoo kalena ay dad shacab ah ku dileen meelo kala duwan dalka.

Dagaalka Al-Shabaab oo xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Dowladda Dhexe, ayaa ku dhintay kumannaan qof tan iyo 2006-dii.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay ay guulo ka gaareen furimaha dagaalka, iyagoo ka bar-bar dagaalamayay dadka degaanka oo isdifaacaya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.