KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidamada kioxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay guul ka gaareen dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda, sidoo kalena waxay sheegteen in ay la wareegeen Daynuunaay
DAYNUUNAAY, Soomaaliya - Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Deeynuunaay oo u dhow Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen Saldhig Ciidaman oo ku yaal degaanka Deeynuunaay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaacba leh.
Kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen inay la wareegeen saldhigyada Ciidamada dowladda ee degaanka Deeynuunaay kadib weerar culus oo ay ku qaadeen. Inkastoo dhinaca kale ee dowladda aysan xaqiijin, faahfaahina aysan ka bixin dagaalka ka dhacay Daynuunaay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa laba-laabtay weerarrada joogtada ah ee ay ku hayaan saldhigyada ciidamada dowladda ee maamullada Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.