Al-Shabaab oo siyaadisay dhibaateynta shacabka Mudug

Waxaa la sheegayaa in ay qaraxyo badan ku aaseen waddoonka gala magaalada Wisil, halkaasoo ay maanta, gaari uu watay qof shacab ah, ku haleeshay miinada nuuca dhulka lagu qariyo ah.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo siyaadisay dhibaateynta shacabka Mudug

GAALKACYO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab, ayaa siyaadisay dhibaatooyinka dadka shacabka ee ku sugan degaannada Galmudug, gaar ahaan koofurta Gobolka Mudug, halkaas oo ay ka wadaan dhaca xoolaha, burburinta deggaannada iyo beegsiga shaabka.

Wararka ka imaanaya degaanka Wisil, ayaa sheegay in Kooxda xiriirka la leh, Al-qaacida, ay dab qabadsiiyeen tuulooyin ay marto waddada aadda magaalada Bajeela, oo ay mid tahay Cadale, halkaasoo ay ka qaxeen dadkii shacabka ahaa ee hore u deganaa.

Kooxdaan ayaa sidoo kale, wadda bililiqada dukaamada iyo dhaca xoolaha, waxayna dhawaan kaxeysteen ku dhawaad 50 neef oo geel ah, oo lagu hayay, duleedka degaanka Baraagta-ciise oo yaalla Koonfurta Gobolka Mudug.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ay qaraxyo badan ku aaseen waddoonka gala magaalada Wisil, halkaasoo ay maanta, gaari uu watay qof shacab ah, ku haleeshay miinada nuuca dhulka lagu qariyo ah.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor, ku eedeeyay inuu dacayay shacabka dhibaateysan ee Mudug, isla-markaana uu ku mashquulsan yahay mooshin iyo xasiloonidarro maamul.

Xildhibaan Fiqi, wuxuu sheegay in Qoorqoor, lacag xooggan ku bixinayo, mooshin ka dhan ah, Madaxweyne ku xigeynka Galmudug, Cali Ciid, isla-markaana uu wariyayaal siinayo qarashaad xooggan si ay u amaanaan, xilli shacabku dhiban yahay.

Xildhibaan Fiqi, wuxuu dadka reer Mudug oo ay hogaaminayaan culimadu ugu baaqay in  ay iska difaacaan cadwoga tuulooyinka gubaya, una socda barakacinta iyo cabsi gelinta dadkooda, halka uu guud ahaa reer GM u soo jeediyay in ay ka tashtaan aayahooda.

Dhanka kale, waxaa jira warar sheegaya inuu socdo mooshin xil ka qaadis, oo Qoorqoor ka dhan ah, kaasoo ay gadaal ka riixayaan riyaasiyiin mucaarad ku ah oo degaanka ka soo jeeda, waxaana xusid mudan in Cali Ciid uu galabta kulan ka qaatay RW Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.