Al-Shabaab oo weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday Galgala

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagallanta buureylada Galgala ayaa weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaal halkaasi.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday Galgala

GALGALA, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ee ka daggallanta gudaha dalka Soomaaliya ayaa weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa sheegay in mid kamid ah madaafiicda ku dhacay halkaas uu ku geeriyooday Askari ka tirsan Ciidanka Puntland, mana jirto khasaaro kale oo ka dhashay weerarka ay soo qaadeen kooxda.

Ciidamada Puntland ayaa saldhigyo ku leh deegaankan oo ay kooxda ay Al-Shabaab caanka ku yihiin, waxaana lagu garaacay madaafiicda ay kooxdu ku ridday shalay galinkii dambe, Galgala waa degaan ay deggan yihiin dad isugu jira beeraleey iyo xoolo dhaqato.

Kooxda Al-Shabaab iyo Ciidanka Puntland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan buuraleyda Calmadow ee Gobolka Bari, waxaana fariisimo ku leh kooxda Al-Shabaab oo dhulka buuraleyda ah ay weeraro kasoo qaadan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.