Al-Shabaab oo wajahaysa howlgalkii ugu adkaa

Howl-galladaan ka holcaya gobollada waxaa barbar socda in ay meesha ka baxday cabsidii shacabku ka qabay Al-Shabaab, isla-markaana odayaashii, aqoonyahannadii, dhallinyaradii iyo haweenkii aashuunka ku addimi jiray ay hadda muujiyeen ku-dhac iyo dhiirranaan.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo wajahaysa howlgalkii ugu adkaa

MATABAAN, Soomaaliya – Kadib markii howlgallo xooggan oo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab ka curteen degaanno kala duwan oo ku yaalla gobollada dalka, shacabkuna go’aansadeen in ay iska xoreeyeen, waxaa billowday in xubnaha Al-Shabaab koox koox isugu dhiibaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Labadii bilood ee la soo dhaafay in ka badan 20 xubnood oo kooxdaas ka tirsanaa ayaa isku dhiibay Dowladda Soomaaliya, waxaana dagaallamayaashaas is dhiibay ku jiray qaar la soo goostay gawaari ay wadayaal ka ahaayeen iyo qoryo nuucyadoodu kala duwan yihiin, waxaana tallaabadaas si weyn u boorriyay saraakiisha CXDS.

Marka laga soo tago goosadka xubnaha ka tirsan Al-Shabaab, waxa ay Kooxdu wajahaysaa shacab abaabulan oo qaab qabiil loo kiciyay kana go’antahay dhimasho, kuwaas oo garab ka helaya Ciidanka Dowladda, diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa Turkiga, waxaana ku furan howl-galkii ugu adkaa oo ay tan iyo aas-aaskoodii wajahan.

Howl-galladaan ka holcaya gobollada waxaa barbar socda in ay meesha ka baxday cabsidii shacabku ka qabay Al-Shabaab, isla-markaana odayaashii, aqoonyahannadii, dhallinyaradii iyo haweenkii aashuunka ku addimi jiray ay hadda muujiyeen ku-dhac iyo dhiirranaan aan hore loo arag, garab istaagna u muujiyeen ciidanka Dowladda.

Sidoo kale Al-Shabaab waxa ay wajahayaan Xildhibaanno iyo Wasiirro markii ugu horreysay go’aansaday in ay furimaha degaan, kana qeyb qaataan dagaalka, taas oo dhiiragalin u ah ciidanka iyo shacabka abaabulan ee u istaagay in ay degaannadooda ka saaraan Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Tan iyo bishii hore waxaa Al-Shabaab gacantooda ka baxay in ka badan 30 degaan oo ay ku jiraan qaar ay 15 sano ka arriminayeen, waana degaannadii ugu badnaa ee muddo intaas la eg looga saaro tan iyo soo if-baxoodii, taasoo muujineysa sida uu dhab u yahay dagaalka adag ee ay hadda wajahayaan Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.