Al-Shabaab: “Haddii Kenya ay Nabad rabto, ha kala baxdo Ciidamadeeda Soomaaliya”

Nairobi (KON) - Kadib markii Kooxda Al-Shabaab ay Barteeda Twitter kusoo qortay in ay ka dambeeso Weerarka Westgate Mall ee Nairobi, ayaa hadana Afhayeenka Al-Shabaab uu ka hadlay Arintaan.
Warar Keydmedia Online

Cali Dheere ayaa sheegay in haddii Kenya ay doonayso nabad ay ciidamadeeda kala baxo Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sheegay in Weerarka ay ku qaadeen Suuqa uu yahay Jawaab ay ka bixinayaan Xasuuqa Ciidamada Kenya ay ka geesteen gobollada Koonfureed.

“Kenya haddii ay doonayso nabad waa inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya. Waayo dhibatada ay maanta ka arkayaan Nairobi iyo dhiigga ku qubanaya waddooyinka waaweyn, waa mid la mid ah kuwii ay ciidamadooda ka geysteen Soomaaliya,” ayuu ayiri Cali Dheere.

“Dadweynaha Kenya haddii ay la yaaban yihiin waddooyinka Nairobi oo xiran iyo dhiiggooda oo dhulka ku daadanaya, waxaa la gudboon in laba arrimood ay kala doortaan, taasoo ah inay nabad-galyo xumada kusii jiraan inay ku qasbaan madaxdooda inay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya,” ayuu ku daray hadalkiisa afhayeenka Al-shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa barteeda Twitter oo hada laga xiray, ku qirtay inay kala saarayeen Muslimiinta iyo Gaalada. Waxayna Al-Shabaab sheegeen in dowladda Kenya ay codsatay wadahadal nabadeed oo ay la gasho dableyda dadka ku heysta gudaha, waxayse Al-Shabaab sheegeen inaysan jiri doonin wax wada hadal ah oo ay la galaal dowladda Kenya.

“Mujaahidiintu maanta waxay galeen xarunta ganacsi ee WESTGATE oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya,” ayaa lagu yiri warka Al-shabaab ay soo saartay maanta.

“Kenya waxaan kula dagaalamaynaa gudaha dalkeeda, waxaana xaruntaas aan ku dilnay in ka badan 100-qof oo Kenyan ah”

Warbixin iyo Wararka ugu dambeeyay kala soco Boggaan: Halkaan Guji

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.