KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay Xuseen Macalin Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay Dadkaan ka Xirxireen Deegaanka Jameeca,islamarkaana Dadkaan lagu xiray Jameeca ay yihiin Dad ka soo horjeestay Amar ka soo baxay Al-shabaab.
Xuseen Macalin ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Xoog ku soo furan doonaan Dadkaas Shacabkaa ee ay Afduubteen Al-shabaab.
“Dadka ay Xireen Al-shabaab waxaa ay diideen in ay bixiyaan Lacago Baad ah oo ay ku sheegeen sakawaad,markii ay diideena Xabsi ayey ku gureen”ayuu yiri Xuseen Macali.
Maleeshiyada Kooxda Nabaddiidkaa ee Al-shabaab ayaa aheyn markii ugu horeysay oo Dad ka soo horjeestay Amar kooda ay Xiraan,waxaana Maalmo ka hor Degmada Qoryooley ay ka Afduubteen Dad iskugu jira Haween iyo Caruur.
Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.