Al-shabaab oo karbaashay dhalinyaro qaad ku iibinayay magaalada Beledweyne

Beledweyne (Keydmedia) - Kooxda Shabaab ayaa shalay meel fagaare ah oo ku taalla degmada Beledweyne ee xarunta u ah gobalka Hiiraan ee dhaca bartamaha Soomaaliya waxa ay ku karbaasheen dhalinyaro lasheegay in ay soo qabteen iyaga oo qaad ku cunaya kuna iibinaya gudaha degmadaasi.
Warar Keydmedia Online

Dhalinyarada lakarbaashay ayaa lasheegay in aan loo heysan denbi dhaafsiisan iibinta iyo cunista qadka  iyada oo xilligii lakarbashayay ay daawanayen dad lagu qasbay in ay tagaan halka dhalinyarada lagu karbaashayo kadib markii uu xukumay mid kamid ah saraakiisha Shabaabka ee Beldweyne in dhalinyardaasi shacabka hortiisa lagu karbaasho.

Kooxda Shabaab oo iyadu maamusha degmadaasi Beldeweyne ayaa waxa ay horay qaadka cunistiisa iyo iibintiisaba uga soo sareen amarro kala duwan iyaga oo ganacsatada ku amray in meel banaanka ka ah magaalda ay ku iibiyaan qofkii cunayana uu magaalda kabaxo taas oo Soomaalida  wax garadka ah ay si aad ah ula yaabeen, maadaama ay sameynayaann Shabaabku meela qaad cunistiisa iyo iibintisu ay xaaram yihiin iyo meela ay banaanyihiin.

Muqayiliinta iyo ganacsatada qaadka ee Beledweyne oo lahadlay Keydmedia ayaa waxa ay aad uga cawdeen dhibaatada Shabaabku ay kuhayaan waxa ayna kacodsadeen kooxda Shabaab in ay  kadaayaan dhibatada ay kuhayaan iyaga oo dadkaasi hoosta kaxariiqeen in Shababku ay canshuur fara badan ka qaadaan qaadka.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.