Al-shabaab oo ku jabay dagalkii Hiiraan.

Beledweyne (Keydmedia) - Kooxda Al-shabaab ayaa looga awood roonaaday dagaal xooggan oo ay kula galeen Ahlusunna deegaanno hoos taga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.
Warar Keydmedia Online

Saraakiisha Ahlusnna ee gobalada dhexe ayaa waxa ay maanta saxafada u soo bandhigeyn meydad ay sheegeen in ayb ku dileen dagaalkii xooganaa ee shababka ay kula agleen deegaanka Diirimaadle oo ahaa xusunda dagaalkii lagu hoobtay.

Waxa ay saraakiisha Ahlusnna sheegeen in 50 dagaal yahan oo shabaab ah kuwaas oo isgu jira masuuliyiin iyo ciidamo caadi ah nafooda lagu dhaafiyay dagaalki Hiiraan deegaanno ay ku sugnaayeenna looga fara maroojiyay.

Al-shabaab ayaa waayihii danbe waxa ay ku jebayeen dagaalada ay lagalaan Dowlada, AMISOM, Ahlusunna iyo ururka raaskanbooyi kadib markii tafaraaruq baahsan uu soo kala dhex galay.


www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.