Al-shabaab oo lagu qarxiyay galguduud

GURICEEL(KEYDMEDIA)Wararka Saakay aynu ka halayno gobolka galgaduud ayaa waxa ay Sheegayaan in gaari ay saarnaayeen dagaalyahano katirsan xarakada Al-Shabab in lagu qarxiyay qeybo kamid ah gobolkaasi iyadoona maxkamada gobolkaasi ee Shabab ay Xukuno ku riday Odoyaal dhaqamaydyo gobolkaasi ku dhaqnaa.
Warar Keydmedia Online

Qarax ayaa Sida lagu Soo waramayo waxa lala eegtay gaari ay saarnaayeen rag ka tirsan Al-Shabab Xili uu marayay gaarigaasi qeybo kamid ah gobolka galgaduud waxaaana wararku ay tilmaamayaan in gaariga ay saarnaayeen ilaa 4 ruux iyadoona khasaare Xoogan uu ka dhashay sida lagu soo waramayo.

Wararka ayaa waxa ay Sheegayaan in degmadda Ceel buur ay Al- Shabab ku xirxirtay ilaa iyo 5 ruux oo ah odoyaal dhaqameydyo oo lagu eedeeyay in salaadii Ciida inay ku tukudayn Mowlac taasina sida la Sheegay ay ka caraysiisay Mas’uuliyiinta Xarakada Al-Shabab laguna Xukumay Min 1 bil oo xariga ah

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.