KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka oo socday mudo Saacado ah ay Al-shabaab ku soo qaadeen Fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay ku leeyihiin Degmada.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaro dhimasho iyo Dhaawac ah.
Ciise C/risaaq oo ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Keydmedia Online u sheegay in ugu yaraan 4 Ruux oo Ciidamada iyo Al-shabaab iskugu jira ay ku Geeriyoodeen Dagaalka Xalay.
Waxaa uu intaa ku daray in ay jiraan Maxaabiis laga qabtay Maleeshiyada Al-shabaab ee Xalay soo Weeraray Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha hoose.
Degmada Qoryooleey ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxaa Todobaad ka hor ay ka Xoreeyeen Maleeshiyada Al-shabaab.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.