Al shabaab” Kenya iyo Itoobiya Waxay Ku Heshiiyeen Inay Dalka Qabsadaan”

Kismaayo (KON)- Al shabaab oo hadda ay gacanta ugu jiraan gobbolo kooban oo dalka ka tirsan ayaa sheegtay in Dowladda Kenya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen inay qabsadaan gobbolo ka tirsan dalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Dagaalkii ay Shabaab ka waday gudaha dalka hadda wuxuu u muuqdaa mid sii la ciifayo, waxaana wali jira culeyso ay Shabaab kala kulmayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xooggaga taageera.

Cali Dheere Afhayeenka kooxda Shabaab oo hadlay wuxuu sheegay in la qorsheeyay in Soomaaliya labo loo kala qeybsado, barna ay qaadato Itoobiya, barna ay qaadato Kenya.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.