Kooxda Shabaab oo Baardheere Ka Afduubtay Nabadoon Ka Tirsan Beesha Sade

Bardheere (KON)- Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobbolka Gedo ayaa soo sheegaya in Maleeshiyadka kooxda Shabaab ee halkaasi ka arrimiya ay xalay fiidkii hoygiisa kala baxeen Naboodn ka tirsan Beesha Sade.
Warar Keydmedia Online

Nabadoonkaan ay xaay hoygiisa kala baxeen Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Indha yare  waxaana uu ahaa nabaoonka Beesha Reer Garaad oo ka tirsan beesha Mareexaan Sade.

Lama oga sababta ay Maleeshiyaadka ay ula baxeen Nabadoonka hasayeeshee warar ay Keydmedia u xaqiijiyeen ehelada Nabadoonka ayaa sheegaya in Nabadoonka uu horay u diiday inuu la shaqeeyo kooxda Shabaab taasoo keentay inay markii dambe afduubtaan.

Raq iyo ruux meel lala aaday ilaa hadda lama garanaayo, waxaana aad u wal walsan ehelada iyo qaraabada Naboonka oo sheegay inaysan aqooni meel ay u raadiyaan.

In Ugaasyada, Nabadoonada iyo dadka waxgalka ah bulshada Soomaaliyeed laga laayo waa dhaqanka ay caadeysteen Maleeshiyaadka kooxda Shabaab oo hadda laga sii cirib tiraayo dalka Somaaliya.

Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ayaa horay waxaa ay u dileen odayaal dhaqameedyo iyo salaadiin kuwaasoo kasoo kala jeeda gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.