Al-Shabaab oo weerar dhaba gal ah ku qaaday ciidamo Mareykan ah

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid aha meelaha ugu badan oo ay Alshabaab ka soo duulaan, kuna weeraraan Ciidamada dowladda.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in ay weerar dhaba gal ah ku qaaday kolonoyo ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo ay wehliyaan kuwa Mareykan ah oo marayay inta u dhaxeysa deegaanada Janaale iyo Degwariiri oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka halkaas ka dhacay uu saacado qaatay, isla markaana la maqlayay hubka noocyadiisa kala duwan, wallow aan faah-faahin rasmi ah laga heynin khasaaraha labada dhinac.

Ciidmada DANAB iyo kuwa Mareykanka ah oo is garabsanayaa ayaa ka baxay deegaanka Janaale xilliga la weerarayay, iyagoona ku sii jeeday deegaano kale oo ka tirsan gobolka, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin AlShabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.