Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday Ciidamada Itoobiya

Kooxda Al-Shabaab ayla sheegay in ay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku suganyihiin.

Warar Keydmedia Online

Muqdisho, Soomaaliya - Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Halgan ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku suganyihiin.

Dagaalka oo Saacado qaatay ayaa la sheegayaa in la isku adeegsaday hubka culus,  iyadoo markii dambe iskiisa u qaboobay, waxaana lagu soo waramayaa in uu khasaaro dhaliyay, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga ah.

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa saaka baaritaano sameeyay agagaarka deegaanka, waxaana xusid mudan in weli labada dhinac aysan faah-faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka xalaya ka dhacay deegaanka Halgan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.