Alshabaab oo bilowday nooc cusub oo dil ah

MUQDISHO(KEYDMEDIA) kooxda Shabaab oo looga bartay dilal iyo gawrac ayaa soo dhigtay isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho meydka nin ay maskaxda ka saareen.
Warar Keydmedia Online

Meydka ninkan ayaa shabaab waxa ay soo raaciyeen warqad digniin ah oo ay ku sheegayaan in ay sidan oo kale maskaxda uga saari doonaan cid walba oo ay u arkaan in ay ku kacdo fal aanay shabaab RAALI ka aheyn.

Dadka deegaanka ayaa arintan walaac badan ka muujiyay, waxaana Alshabaabku ay is hortaageen in la aaso meydka ninkaasi iyagoo dadka ku qasbyayay in ay meydka daawadaan oo kaliya.

Dad badan oo deegaanka ah ayaa dhibaato caafimaad la kulmay kolkii ay arkeen meydka ruuxa arxan darada loo dilay.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.