Alshabaab oo xirtay Haween ka qeyb galay Aroos

SH.HOOSE(KEYDMEDIA) kooxda Alshabaab ee ka talisa gobalka Sh.hoose ayaa degmada Mareereey ee gobalkaasi waxa ay ku xirxirtay haween ka qeyb galay aroos oo ala-alaasay.
Warar Keydmedia Online

Haweenka la xiray ayaa tiradooda lagu sheegay 10 waxaana la taxaabay xabsi ay maamulaan shabaab iyagoona shabaabka ay ku doodeen in ay jabiyeen haweekaasi sharciga shabaab ee deegaankaasi.

Diinta islaamka ayaa u baneysay umadaha islaamka in ay u mashxaradaan farxadna ka muujiyaan aqalada cusub ee dhismaya waxaana shabaab ay u muuqdaan kuwa arintaasi is hortaag ku sameynaya.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.