Alshabaabka Hiiraan oo bilaabay in ay u soo gurmadaan Shabaabka Muqdisho

MUQDISHO (KEYDMEDIA) - Al shabaabka magaalada beledweyn ee gobalka Hiiraan ayaa bilaabay in ciidamo gurmad ah ay u soo diraan Shabaabka muqdisho oo awoodooda lagu wiiqay dagaaladii ka dhacay Muqdisho khamiistii.
Warar Keydmedia Online

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in shabaabka Hiiraan ku dhawaad 300 oo caruur ah in ay ka soo safriyeen Gobalka Hiiraan iyadoona ujeedada ay tahay in caruurta lagu soo shubo jiidaha uu dagaalka Ka socdo.

Xog-ogaalka Hiiraan ku sugan ayaa sheegay in talaabada caruurta loogu soo safriyay Muqdisho isla markaana Dagaalka loogu diyaariyay inuu horkacayo Yuusurf Cali Ugaas oo ah horjoogaha Shabaab ee gobalka Hiiraan.

WWW.KEYDMEDIA.NET


    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.