KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xasan Yacquub oo ah horjoogaha SHABAAB ee kismaayo ayaa u sheegay idaacadaha ku hadla codka shabaab in la duqeeyay ciidamo kuwooda ah oo rondo ka sameynayay agagaaraha deegaan lagu magacaabo Qandala oo ku dhaw magaalada Kismaayo.
Ilo madax banaan ayaa sheegaya in goobta la duqeeyay ay ku sugnaayeen xubna ka tirsan ajaanibta Shabaab gacanta ka siiya dagaalka ka socda Soomaaliya, laakiin shabaab arintaasi gaashaanka ayeey u daruureen.
Goob joogayaasha deegaanka ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo goobti duqeymaha ay ka dhaceen, waxaana ay shabaabka iminka ku jiraan feejignaan dheeri ah.
Xiliya hore ayaa shabaab waxaa duqeymo kala duwan loogu geestay deegaano kale duwan, waxaana muuqaneysa in shabaab iminka ay sii tabar daroonayaan.
WWW.KEYDMEDIA.NET
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.