Amaanka Muqdisho oo la Adkeeyay

Muqdisho (KON) - Tan iyo markii ay soo baxday Geerida Axmed Cabdi Godane oo ay Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya Xaqiijiyeen ayaa Saaka Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay wadooyinka Waa-weyn ee Magaalada ka wada Baaritaano lagu sugayo Amaanka.
Warar Keydmedia Online
Amaanka Muqdisho oo la Adkeeyay

Wadooyinka soo gala Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xarumaha muhiimkaa ee Dowladda ayaa Saaka waxaa Amaankooda Xaqiijinaya Ciidamadda AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa lagu Arkayaa Wadooyinka Muhiimkaa ee Muqdisho, kuwaas oo baaraya Gaadiidka iyo Dadweynaha intaba.

Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Heegan la galiyay islamarkaana lagu amray in ay ka hortagaan Weerarada Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa Keydmedia Online u sheegay in Saakay la Qabtay Labo Nin oo Bastooladda waty, Ragaasi oo lagu Tuhunsan yahay Argagixiso.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.