Kooxda Al-Shabaab oo joojisay dhismayaal ka socday Muqdisho

Wasiirku wuxuu xusay in Dowladdu aysan marnaba oggoleyn in loo hoggaansamo amarrada Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay in ay yihiin koox ku jirta maalmaahii ugu danbeeyay isla-markaana dhuumaaleysana.

Warar Keydmedia Online
Kooxda Al-Shabaab oo joojisay dhismayaal ka socday Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib markii Dowladda Soomaaliya ay si cad u sheegtay in ganacsadihii lacag baad ah siiya Al-Shabaab laga qaadi doono tallaabo rasmi ah, isla-markaana ciidanka Dowladda iyo dadka degaannadu inta badan furimaha dagaalka uga adkaadeen Al-Shabaab, waxaa billaawday in qanacsatadu diidaan lacagtii ay bixin jireen.

Sida ay ogaatay Keydmedia Online Labadii todobaad ee la soo dhaafay Kooxda Al-Shabaab waxa ay siyaadiyeen farriimaha iyo hanjabaadaha ay ku cabsi galinayaan ganacsatada iska diiday in ay baad siiyaan, waxaana arrinkaas awgeed hakad u galay qaar ka mid ah dhismooyin waaweyn oo ka socday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa xaqiijiyay in ay ka war hayaan dhismayaasha cabsi awgeed u istaagay wuxuuna mulkiilayaasha dhismayaashaas ku amray in ay dib u billaabaan howlahooda isla-markaana Dowaladdu damaanad qaadeyso aminigooda.

“Waxaan ka war heynaa maalmahaan danbe in dhismayaal socday iyo dhulal caasimadda iyo hareeraheeda ku yaallay oo dad badan oo xoogsato Soomaaliyeed ah ku tiirsanaayeen la joojiyay, laguna joojiyay farriimo ay u soo direen Al-Shabaab, kadib markii ay baaqatay baaddii ay qaadan jireen”, ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirku wuxuu xusay in Dowladdu aysan marnaba oggoleyn in loo hoggaansamo amarrada Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay in ay yihiin koox ku jirta maalmaahii ugu danbeeyay isla-markaana dhuumaaleysana, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la yimaadaan ku dhac iyo dhiiranaan dhab ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dowladda Fedraalka ayaa ciidan dharcad ah oo aad u badan ku daadisay suuqyada waaweyn ee caasimadda, taasina waxa ay sababtay in inta badan ganacsatadu ku dhiiradaan in ay Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish u diidaan lacago baad ah oo ay hore u sii jireen, taasoo dhibaato dhaqaale oo xooggan ku noqotay kooxahaas.

KEYDMEDIA ONLINE   

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.