AMISOM oo gargaar ka qeybineysa degaanada ay joogaan

Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa degaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya ka billaabaya gargaar loogu talagalay dadka dan-yarta ah

Warar Keydmedia Online
AMISOM oo gargaar ka qeybineysa degaanada ay joogaan

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka billaabay degaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya qeybinta gargaar loogu talagalay dadka dan-yarta ah ee aadka u nugul.

Munaasabad lagu daah-furayay barnaamijkan gargaarka ah oo ay ka qeyb gashay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye ayaa lagu sheegay in dhawaan si rasmi ah looga billaabi doono qeybinta raashiinka kuwaasoo loogu talagalay dadka nugul ee la daalaa-dhacaya nolol maalmeedka.

Ciidamada Nabad ilaalinta ayaa yimid Soomaaliya sanadkii 2007 -dii xilligaas oo dalka qeybo badan oo ay Caasimaddu ku jirto ay joogeen ciidamada kooxda Al-Shabaab, waxayna la galeen dagaallo culus iyagoo ka saaray qeybo badan oo kamida waddanka.

Ciidamada AMISOM ayaa inta badan waxyaabaha loo keeno sida raashiinka, shidaalka iyo hubka waxay ka iibiyaan ganacsato Soomaaliyeed oo si qarsoodi ah uga soo qaada xarumaha ay daggan yihiin. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.