Amisom iyo Alshabaab oo Muqdisho duqeyn ka geestay

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Duqeyn sababatay geerida shacab Soomaaliyeed ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Arintan ayaa ka danbeysay kadib markii kooxda Shabaab ay duqeysay fariisimaha Amisom ee Muqdisho, waxaana taasi ay sababtay in Amisom oo adeegsaneysa GANTAALO culus in ay duqeyso qeyba ka mid ah Magaalada.

Inta la ogyahay 5 Qof ayaa ku geeriyootay madaafiic ku kala dhacday degmooyinka Hiliwaa iyo Kaaraan oo ka fog goobaha ay Amisom fariisimaha ku leeyihiin waxaana halkaasi ku geeriyooday Shacab Soomaaliyeed.

Amisom iyo Shabaab ayaa inta badan duqeymo ceynkan ah ka geesta Muqdisho, waxaana arimahan ay sii badiyaan dhibaatada Shacabka Soomaaliyeed gaareysa.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.