Amisom iyo Ciidamadda TFG-da oo Dagaal ku qaadeen Deyniile & Ceelasha Biyaha

Muqdisho (Keydmedia) - Ciidamada Dowladda KMG-ka ah iyo kuwa Amisom oo saakay Dagaal saf ballaaran ku qaaday degmada Deyniile iyo deegaannad ku teetysan dhanka Ceelasha Biyaha.
Warar Keydmedia Online

Ciidamada TFG-da oo gacan ka helaya kuwa Amisom aya Saakay waaabarigii ku dhaqaaqay Dagaal ay ku doonayaan inay kula wareegaan Degmada Afgooye iyo deegaannada loo barakacay ee Ceelasha Biyaha iyo Deyniile qeybo ka tirsan oo ay horay ugu sugnaayeen Kooxda Shabaab.

Dagaalkaasi ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay dhinacyadii dagaallamayay iyo dad aan shaqo ku laheyn dagaalka oo rayid ah inkastoo aan la ogeyn tirade rasmigha ah ee Qasaaraha.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada oo aan xiriir la sameynay ayeesan noo suurtagalin inay ka hadlaan Dagaalka ay Maanta qaadeen Ciidamada TFG iyo AMISOM.

Wixii kusii Kordha Warkaan kala soco Keydmedia.net

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.