KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMSIOM ee jooga gobalka Hiiraan waxaa la dhihi karaa waxay yihiin kuwa ugu waxqabadka badan ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.
Inkastoo ciidamadaan uu saaciday Afka maadaama ay ku hadlayaan Af Soomaali ayaa hadana waxaa la dhihi karaa waxay baladweyne ka qabteen weyn taasi oo ay ku jeclaadeen shacabka magaalada.
Dadka jooga magaalada Baladweyne ciidamadaan uguma yeeraan ciidamada AMISOM laakiin waxay ugu yeeraan HIIL WALAAL oo ay ula jeedaan in ciidamadaan ay yihiin kuwo u hiilinaya ayaga.
Nin ka mid ah dadka magaalada Baladweyne ayaa KEYDMEDIA waxay waydiisay sababta ciidamadaan ay ugu yeeraan HIIL WALAAL.?
Wuxuu sheegay in ciidamadaan ay ku soo aadeen xili loo baahnaa, oo ay magaalada joogeen ciidamo Itoobiyaan ah, isla markaana magaalada xili walba ay ka dhici jireen iska hor imaadyo iyo waliba weeraro, sidoo kale wuxuu sheegay in xiligaasi noloshu ay ahayd mid adag.
Ninkaan ka mid ah dadka magaalada Baladweyne ayaa KEYDMEDIA u sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka soo horjeedeen daganaansha magaalada, sidoo kalana marwalba oo ay magaalada wax ka dhacaan ay shacabka u layn jireen si aanan kala sooc lahayn.
Ciidamada Jabuuti oo ah kuwa ugu yar marka loo eego ciidamada AMISOM ayaa waxay ku guuleesteen in ay amaan ka dhigaan magaalada Baladweyne isla markaana dadka magaalada ay isku socdaan xiliyada ay doonaan.
Ciidamo Soomaali ah oo ay tababareen ciidamada jabuuti oo magaalada si wanaagsan u kala yaqaan ayaa si toos ah ula shaqeeya ciidamada Jabuuti taasina waxay sahashay in ay ciidamadaasi ka hortagaan waxyaabo badan oo magaalada ka dhici lahaa oo amaanka ka soo horjeeda.
Taliyaha ciidamada Jabuuti Cusmaan Dubad oo la hadlay KEYDMEDIA ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ay heshiisiiyeen qaar ka mid ah beelaha gobalka Hiiraan, iyo waliba masuuliyiinta maamulka.
Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Jabuuti ay ka qayb qaataan samata bixinta shacabka, isla markaana ay taakuleeyaan Isbitalka guud ee magaalada Baladweyne oo Hay’adii gacanta ku haysay ay ka baxday.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.