AMISOM oo Dad Shacab ah ku Dishay Baledweyne

Baledweyne(KON)-Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM,ayaa Goor dhaw Magaalada Baladewyne ku Dilay Qof Rayid ah,Asagoona Dhaawacay Labo kale.
Warar Keydmedia Online
AMISOM oo Dad Shacab ah ku Dishay Baledweyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee Bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in Ciidamada AMISOM Askari ka tirsan,Gaar ahaan Dowladda Dalka Jabuuti,uu Rasaas ku furay Dad Shacab ah oo Bartamaha Magaalada ku sugnaa.

Hal Qof ayaa Geeriyooday,waxaana sidoo kale Dhaawacmay Labo kale,kadib markii Askarigaasi uu Rasaasta Qoriga Dhashiikaha uu la Dhacay Dadka Shacabkaa.

Max’ed Aamiin C/risaaq Axmed oo ka mid ah Ganacsatada Magaalada Baledweyne ayaa Keydmedia online u sheegay in Askarigaasi oo ku Dhexe jiray Gawaarida AMISOM ee Qafilan uu Rasaasta la dhacay Dadka Shacabkaa.

Waxuu intaa ku daray in Askariga oo la Qabtay uu ku Dooday in ay Rasaasta Dadka oga fikatay oo uusan si Bareer ah ugu Furin Rasaasta.

Ciidamada Midowga Afrika ka socda Ee Soomaaliya jooga ayaa Tacadiyo iyo Dilal intba u geeysta Dadka Shacabkaa ee ku nool Soomaaliya.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.