AMISOM oo Madaafiic ku Garaacday Deegaanka Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) - In ka badan sadex ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay Madaafiic xalay ku dhacday Deegaanka Kaxda ee duleedka Magaalada Muqdishu kadib markii Dagaal xooggan uu Xalay ka dhacay qeybo ka tirsan Degmada Dharkenlay ee Gobolka Banadir.
Warar Keydmedia Online
AMISOM oo Madaafiic ku Garaacday  Deegaanka Muqdisho

Dadkan dhaawacmay ayaa ahaa dhamaan dad rayid ah oo Madaafiicda ugu tagtay Guryahooda ku yaalla Deegaanka Kaxda ayaa la sheegay in ay ahaayeen Haween qaarkood Xaamilo ah,waxaana dhaawacooda la geeyay Saaka Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Odayaasha Deegaanka ayaa Keydmedia u sheegay inay ka cabanaya Dhibaatooyin kasoo gaara dadka rayidka ah marwalbo oo ay dagaallo ka dhacaan Degmada Dharkenlay oo Gacanta ay ku hayso dowldda KMG ee Soomaaliya.

Dadka ku dhaqan deegaanka Kaxda ayaa bilaabay inay kasoo barakacayaan Guryahooda , maadaama Saameyn ay ku yeelanayaan Madaafiicda halkaas ku dhacaysa iyo dagaalada inta badan ka dhaca duleedka degmada Dharkeenleey oo Al-shabab Weeraro kusoo qadaan mararka qaar.

"Runtii hadda Jawiga waa Mid kacsan dadkana waxa ay billaabeen barakac,iyagoo maalaya lugtooda waayo ma hastaan waxyaabaha ay ku barakici lahaayeen,waayo Madaafiic ayaaba nagu socota oo kuma soo Noolaan karma halkan" sidaasi waxaa yiri midkamid ah dadka deggan Deegaanka Kaxda ee Duleedka Muqdisho.

Habeenimadii Xalay waxaa jiray Dagallo iyo duqeymo ka dhacay duleedka degmada Dharkeenleey kuwaa oo u dhexeeyey Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab.

Keydmedia.net - Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.