AMISOM oo u dhaqaaqday dhanka Deegaanka Ceesha-Biyaha

Muqdisho (Keydmedia) - Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa saaka markii ugu horeysay u dhaqaaqay dhinaca Deegaanka Ceelsha-Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho mudo ka badan afar sano oo ay ku sugan yihiin.
Warar Keydmedia Online

Guuto ka tirsan Ciidanka Burundi oo wata Baabuurta Gaashaaman ayaa Saaka fariisimo militeri ka sameystay halka loo yaqaan Sarkuusta oo ku taalla inta u dhaxaysa Xeradii hore ee Asluubta iyo Jaamadacadda Shabelle oo ku dhow deegaanka KM13 ama Tereedishe oo kooxda Al-Shabaab Fariisin u ah.

Waxaa xiran isku socodka dadka iyo Gaadiidka dadweynaha ee isticmaala Wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Ceelasha-Biyaha,iyadoo Rasaas Teel teel ah oo ay ridayeen Ciidamada halkaasi fariisinka ka sameystay ee Burundi.ayaa laga maqlayaa Deegaanka Sarkuusta, inkastoo uu san dagaal halkaasi ka dhicin.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Maalintii Shalay Taliska AMISOM uu sheegay in ay Weerari doonaan Degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha hoose iyo deegaannada kale ay Al-Shabaab Xoog ku haystaan.

Wixii warar ah ee ku soo kordhay kala soco Keydmedia.net

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.