KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Mid lagu magacaabo Audace Nduwumunsi oo u hadlay AMISOM ayaa shaaciyay in Ciidamadooda ay dhawaan ay weerari doonaan Degmada Afgoye oo qiyaastii 30-KM dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho halkaasi oo kamid ah meelaha ay sida weyne ay dadka ugu barakaceen Sanadihii lasoo dhaafay.
Mr.Nduwumunsi oo la hadlay Keydmedia ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal dagaal oo kadhan ah Xarumaha ay Al-Shabab ku leeyihiin duleedada magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo degmada Afgooye oo uu sheegay inuu dhawaan bilaaban doono hawlgal Maleeshiyaadka Shabab looga saarayo degmada Afgooye
Keydmedia:net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.