Ammaanka koonfurta Galkacyo oo laga deyriyay

Muqdisho(Keydmedia) Wararka aynu ka heleyno dhanka koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa sheegaya in maalmahan danbe laga dareemayo ammaan darri baahsan.
Warar Keydmedia Online

Ammaan daradan ayaa ka danbeysay kadib markii ay aad u soo bateen dhalinyaro hubeysan oo dilal qorsheysan ka fulinaya halkaasi kuwaas oo aan ilaa iyo hadda heebtooda si wanaagsan loo aqoonsan.

Ciidamada deegaanka ayaa dadaal ugu jira sidii ay xog badan uga heli lahaayeen kooxaha ammaanka waxyeeleynaya ee ku sugan halkaasi, waxaase la tuhmayaa in dad u adeegaya dhinacyada ka dagaalama koonfurta Soomaaliya in ay halkaasi gaareen.

Dhiifoonaan dheeri ah ayeey muujinayaan ciidamada wallow hadana aan la dhayalsan Karin qidadaha iyo tabaha ay adeegsanayeen kooxaha ammaanka carqaladeynaya ee ku sugan halkaasi.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.