KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Report ay soo saartay Amnesty International ayey ku sheegtay in Shirka London inaysan ka soo bixin wax lagu difaaci karo gaar ahaan xaalada liidata ee xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.
“Hawlgalada Militari ee ka socda Soomaaliya waxay xaalada uga sii dareen heerka Xuquuqda Shacabka iyadoo hub farabadana uu soo galay Dalka oo markii horaba hubka uu meel walba daadsanaa.” ayey tiri Benedicte Goderiaux oo Amnesty International u qaabilsan Cilmibaarista Soomaaliya.
Benedicte Goderiaux waxay sheegtay in inkastoo Shirka London uu sameeyay wax xoogaa tixraac ah oo ku saabsan xuquuqda dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed haddana hoos ayuu uga dhacay tallaabooyinkii laga filayey in shirku ka qaado si loo dhawro nolosha dadka rayidka ah ee ku nool Soomaaliya.
“Ugu yaraan beesha Caalamka waa in tallaabooyinka ay qaadayaan uga sii darin xaalada xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.” ayey tiri Benedicte Goderiaux.
Benedicte Goderiaux oo Wariyaha Keydmedia ee London Khada Telefoonka kula xiriirtay ayaa sheegtay "Amisom iyo Ciidamada Kenya ma dhooraan Xaquuqda Shacabka siiba kuba Ilmaha iyo Dumarka, Caalamkanah waa inuu si Deg Deg ah wax uga badalo dhibaatadaas"
“Haddii aan la qaadin tillaabo ku aadan kuwa gala dembiyada Dagaalka iyo kuwa ku Xadgudba Xuquuqda rayidka ma joojin doonaan inay sii wadaan xadgudubyada kuwa kalana waxay ku sii dhiiran doonaan inay iyaguna dembiyo geystaan.” “Waana in la sameeyo guddi Madax bannaan oo baaritaan ku sameeya xudgudubyada xuquuqda aadanaha Soomaaliya.” ayey ku dartay Benedicte Goderiaux.
Keydmedia.net - Xafiiska London
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.