AQRISO: Xogo la xariira heshiis-ka lala galay Soma Oil & Gas

Siyaasiyiinta Soomaalya, ayaa la fahansan yahay in doonistooda xooleysiga iyo boobka hantida dad-weynaha ay kaga muhiimsan tahay kana door bidaan howlaha loo igmaday iyo masiirka dalka, waana sababta dalka ka dhigtay waddanka ugu musuqa badan adduunka.

Warar Keydmedia Online
AQRISO: Xogo la xariira heshiis-ka lala galay Soma Oil & Gas

MUQDISHO, Soomaaliya - Heshiiska wax-soo-saar-wadaagga ee uu hore ugu saxiixay Wasiir Cabdirashiid, Shirkadda Coastline Exploration, oo fadhigeedu yahay Mareykanka horeyna loo oran jiray SOMA OIL & GAS, ayaa ugu danbeyn xalay si rasmi ah la meel-mariyay.

Haddaba Keydmedia Online waxa ay dib u xasuusineysaa aqristayaasheeda jidkii uu soo maray heshiiskaan tan iyo markii uu soo if-baxay ee qalinka lagu duugay 15-kii February xaflad ka dhacay magaalada London ee xarunta Britain. Aqriso 10 warbxin oo xiiso leh.

Wasiirkii hore ee  Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa 8 – 11-kii bisha November 2021, ka qeyb galay shirka todobaadka Shidaalka Africa, kaas oo ka dhacay Imaaraadka. (AQRISO).

Bartamihii bishii Febraayo ee sanadkaan, Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed oo wakiil ka ahaa Farmaajo ayaa London kula saxiixday Shirkadda Coastline Exploration heshiiska shidaal ee hadda lagu sameeyay dib u eegista iyo tifaftirka. (AQRISO).

Isla maalmahas waxaa baraha bulshada is qabsatay eedeyn xooggan oo loo jeediyay Wasiirka iyo cid kasta oo la ogayd hishiiska, khubaro ay ku jiraan shaqsiyaadka Soomaaliya ugu aqoonta badan Petroleumka, ayaa ku taliyay in lala xisaabtamo wasiirka. (AQRISO).

Labo maalin kadib markii uu soo ifbaxay heshiiska, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo ka jawaabaya gal-dacwadeed baaris ah oo uga timid xafiiska Hanti-dhawraha ayaa Xeer-ilaaliyayaal baatitaan ku sameeya u magacaabay heshiiska dhacay. (AQRISO).

Billowgii Maarso, xaafiiska ku xigeynka Xeerilaaliyaha guud ee qaranka, Dr. Farxaan Xuseen ayaa loogu yeeray, afar xubnood oo ka tirsan Guddiga Batroolka Soomaaliya, si wax looga weydiiyo heshiiska ay goobjoogga ka ahaayeen ee lala galay Coastline. (AQRISO).

Dhamaadkii Maarso Xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa u yeeray, Maamulaha Shirkadda Coastline Exploration oo horay loo oran jiray (Soma Oil & Gas), si wax looga weydiiyo saxiixa ay la galeen Soomaaliya (AQRISO).

Isla bishaas Maarso, waxaa soo baxay xogo sheegay in Farmaajo iyo Rooble labaduba wax ka ogaayeen heshiiska shidaalka ee 15-kii February ka dhacay London, hayeeshee ay iska fogeeyeen iyaga oo ka cararaya cadaadiska warbaahinta bulshada. (AQRISO)

Bishii Abriil Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa xafiiskiisa ugu yeeray Wasiirkii Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed, si wax looga weydiiyo heshiiska shidaal baarista ah ee la galay Shirkadda Coastline Exploration Limited.  (AQRISO).

Bishii May, kadib markii heshiisyadu faraha ka baxeen, Xafiiska Hantidhawrka ayaa warqad u diray hay’adaha kala duwan ee DF, taasoo uu ku joojiyay galitaanka heshiisyada dheef wadaagga (Concession Agreements) inta lagu guda jiro xilliga doorashada. (AQRISO)

Ugu danbeyn Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday in la soo gabagabeeyay dib u eegis lagu sameeyay heshiiskii shidaal ee lala galay Shirkadda Coastline Exploration bishii February ee sanadkaan lana saxay qodobadii tabashadu ka jirtay. (AQRISO)

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.