Askar Kenyaan Ah oo lagu Dilay Gaarisa

Gaarisaq (KON) - Kooxo hubaysan ayaa xalay labo askari oo ka tirsan Ciidamada dalka Kenya ku toogtay magaalada Gaarisa ee xarunta gobbolka Waqooyi Bari Kenya.
Warar Keydmedia Online

Xiligii labadaan askari la dilaayay waxaa ay wadeen howlgallo baaritaano ah oo ay ka wadeen wadada Ngamia ee magaalada Gaarisa, waxaana markii la dilay kadib laga qaatay qoryihii ay wateen.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya ayaa sheegay in dilka loo geystay labadaan askari uu xariir la leeyahay qabsashada Ciidamada Kenya ee magaalada Kismaayo.

Macalin Maxamed Gudoomiyaha degmada Gaarisa oo isna ka hadlay dilka askarta ayaa sheegay inay wali wadaan baaritano la xariira dilka askartaan.

Saaka waxaa magaalada Gaarisa ka socda howlgallo ballaaran oo ay wadaan Ciidamada Kenya.

Sikastaba, shalay barqadii ayay ahayd markii qarax khasaare dhaliyay lala eegtay Kaniisad ku taalla xaafada Islii ee magaalada Nairoobi.

Keydmedia Online - Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.