Askari Dilay Nin ka mid ahaa Shaqaalaha Bangiga dhexe ee Bosaso

Gaalkacyo (KON) - Waxaa Xalay Magaalada Bosaso ee xarunta Gobalka Bari lagu toogtay Nin kamid ahaa Shaqaalaha Bangiga dhexe ee magaalada Bosaso.
Warar Keydmedia Online

Yuusuf Salaad Saalim ayaa lagu dilay Xarunta Maamulka magaalada, waxaana la sheegay in uu dilay Askari ka tirsan Ciidamada jooga barta lagu baaro Gawaarida ee Bosaso.

Marxuumka ayaa mudo ka shaqeyn jiray Bandhiga dhexe ee Magaalada Boosaaso.

Wali ma cada Sababta uu Askarigaan u dilay Marxuumka.

Askarta ka howlgasha Magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo ayaa marar badan lagu eedeeyay inay horey ahaan jireen Mooryaan.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.