KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wararka ayaa sheegaya in Rag ku Hubeeysa Bastoolado ay fuliyeen Dilka Askarigaan oo xiligaas Ilaalo ka hayey Xaafada October ee Magaalada Baledweyne.
Kooxdii Dilka geeystay ayaa ka Baxsaday goobta uu falka Dilkaa ka dhacay ,waxaana halkaasi Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen Baaritaano lagu baadi goobayo Kooxdii Dilka geeystay.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay Baaritaano ku sameenayaan Dilka Askariga Xalay lagu Dilay Magaalada Baledweyne.
Waxeyna Saraakiisha Ciidamada DFS ay sheegeen in markii ay dhameeyaan Baaritaanka ay soo gudbin doonaan Natiijada Baaritaanka.
Magaalada Baledweyne ayaa waxa maalmahaan danbe amaan keedu uu ahaa mid ka soo roonaanaya sidii hore,waxaana Magaalada tiro ka dhowr jeer ka dhacay Qaraxyo iyo Dilal Qorsheeysan.
Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.