Askari oo si bareer ah u toogtay Nin Rayid ah

Muqdisho (Keydemdia) - Askari ka tirsan Ciidamada TFG-da ayaa xalay Nin rayid ah ku dilay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafada Carafaat.
Warar Keydmedia Online

Ninka la dilay ayaa ahaa wiil dhalinyara ah oo si weyn loogaga yaqaanay xaafada, waxaana rasaas si bareer ah ugu furay askari ka tirsan ciidamada dowlada xilli ay baarayeen ciidamada dowlada marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo goobta ku sugnaa ayaa xiray askariga dilka geystay, waxaase soo baxaya caro ay qabaan dadka xaafadaasi oo awalba qaati ka taagnaa ciidamo dhac iyo kufsi u geysanayey dadka deegaanka.

Ciidamada dowlada ee ku sugan xaafadaha Caymiska iyo Carafaat ee degmada Yaaqshid ayaa waxa qaati ka taagan dadka deegaanka, waxaana danbiyada ugu weyn ee ay galayaan ka mid ah dilka iyo kufsiga.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.