Fiqi: Dib u xoreynta dalka hubka kaliya ma ahan

Ra'iisul Wasaare Xamza oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay udub-dhexaad u tahay dowladnimada dalka.

Warar Keydmedia Online
Fiqi: Dib u xoreynta dalka hubka kaliya ma ahan

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudah ex-Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi ayaa Maanta si rasmi ah xafiiska ugala wareegay Jen Mukhtaar Xuseen Afrax.

Fiqi oo kamid ah shaqsiyaadka dagaal siyaasadeed adag la galay Farmaajo ayaa ka hadlay shaqooyinka uu qaban doono, isagoo xusay in xoogga uu saari doono dib u heshiisinta dalka.

Dib u Xoreynta hubka kalitya ma ahan iyo in meesha la qabto, laakiin waxaa ugu muhiimsan in meesha la qabtay lagu soo celiyo adeegyadii lagama maarmaanka ah, si loo hirgeliyo Soomaali oo heshisi ah," ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa tilmaamay in xoogga saari doono dalka inuu noqdo meel dadkiisa heshiis yihiin, islamarkaana ay ka shaqeynayaan Maamullo dadkooda soo doorteen, oo dowladda dhexe hoos-yimaada.

Ra'iisul Wasaare Xamza oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay udub-dhexaad u tahay dowladnimada dalka, islamarkaana ay qabato shaqooyin ahmiyad leh.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u xilsaarin shaqooyin badan, oo ay kamid tahay inay dhacaan doorashooyinka Golayaasha degaanka, dhismaha Maamullada iyo la socodka waxa soo gala dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.