Axmed Madoobe oo saddex Oday Dhaqameed xabsiga dhigay

Dadka kasoo horjeestay Maamulka Axmed Madoobe waxay noqdeen kuwa la dilay iyo kuwa ka cararay Kismaayo, oo aan tagi karin Guryahooda.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo saddex Oday Dhaqameed xabsiga dhigay

KISMAAYO, Soomaaliya - Kismaayo waxay noqotay kuwaanka Axmed Madoobe, waxaa maalin walba laga soo wariyaa dil, kufsi, boob iyo xariga, iyadoo aan jirin cid hogaamiyahan ka qabta Umadda.

Waxaa Xabsiga Kismaayo ku xiran 15 maalmood Saddex Oday Dhaqameed oo lagu kala magacaabo Ugaas Axmed Ugaas Siraad Ugaas Baqow, Nabadoon Cabdullaahi Bile Siciid iyo Nabadoon Cabdi Bare Maxamed (Bare Ashuun).

Sababta loo xiray waxay ahayd inay kasoo horjeesteen amar uu soo saarey Axmed Madoobe, oo ah in aan la tagin karin Goobaha ay maamusho Al-Shabaab, oo Odayaashan u aadeen inay Kooxda kala soo hadlaan sii deynta Ganacsato Beeshooda kasoo jeeda.

Axmed Madoobe, waa Shabaab hore, oo wali xiriir kala dhaxeeeya Kooxda, oo heshiis ku yihiin ka ganacsiga Dhuxusha sida qarsoodiga ah looga dhoofiyo Xeebaha magaaladda Kismaayo, oo Maraakiib ka yimaada Khaliijka lagu raro.

Ma jirto cid illaa hadda Maxkamad lasoo taagay Odayaasha, mana jirto dembi lagu soo oogay, waxaana ay noqonaysaa tallaabadan mid afduub ah, oo Axmed Madoobe ku sameeyay.

Dadka kasoo horjeestay Maamulka Axmed Madoobe waxay noqdeen kuwa la dilay iyo kuwa ka cararay Kismaayo, oo aan tagi karin Guryahooda. Kenya ayaa dulmigan hogaamiyihii Raaskambooni ku garabsiisa.

Tan iyo 2012 Axmed Madoobe isaga ayaa ka atoore ah Kismaayo, cidii ka daba hadashaa, waxay noqonaysaa dembiile, iyadoo mudeysanayso dil ama xariga, sida ay KON u sheegeen dadka degaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.