Axmed Madoobe oo u safraya Garoowe

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland siday ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. 

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo u safraya Garoowe

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo aadan ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Axmed Madoobe ayaa Garoowe kulan kula qaado doono dhiggiisa Deni, waxaana la sheegayaa in ay kawada hadli doonaan natiijada shirkii Dhuusamareeb 3 oo 19 bishaan lagu soo gabagabeeyay magaalo madaxda Galmudug.

Axmed Madoobe oo maalmahaan howlo caafimaad u joogay Nairobi ayaa maalinimadii shalay aheyd dib ugu soo laabtay Kismaayo oo xarunta ku meel gaarka u ah maamulkaas, isagoona kulamo la qaatay ku xigeennadiisa oo ku sugan magaalada.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u qaadacay natiijada shirkii Dhuusamareeb, iyagoona sheegay in shirkaas aysan cidna ku metelin, islamarkaana u gaar yahay kaliya madaxdii ka qeyb gashay shirkaas.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dadaal ku bixinaya sidii ay markale isku hor fariisan lahaayeen dhamaan madaxda Soomaalida, islamarkaana loo soo saari lahaa go'aan wada ogol laga wada yahay oo ku aadan doorashada 2020/21.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.