KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Tan iyo 2013 Jubaland waxaa xukumayay Axmed Madoobe, oo taageero xooggan ka haysta dowladda Kenya.
KISMAAYO, Soomaaliya - Kaligii-taliye Axmed Madoobe ayaa galay xaaladd adag oo soo wajahday kadib markii uu sameystay mudo korarsi sharci darro ah, oo abuurtay kacdoon shacab.
Siyaasiyiin badan oo ay kamid yihiin Fartaag iyo Cumar Cabdirashiid, ayaa kasoo horjeestay mudo korarsi halka sano ee uu sameystay Axmed Madoobe.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in tallaabada uu qaadey Axmed Madoobe keenayso khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamullada dalka, kuwaasoo iyaguna mudo-kordhin sameysan doono.
Senator Fartaag oo mar noqday Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in mudo-korarsigii laga diiday Farmaajo aan laga yeeli doonin Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa xukunka haystay illaa dowladdii Sheekh Shariif, isagoo boqortooyo aan dhicin ka sameystay Kismayo, taasoo Kenya ku ilaalinayso inaysan dhicin.
Dadka qaar ayaa sheegay in Axmed Madoobe, hogaamiyihii hore ee katirsanaa Al-Shabaab iyo Madixii Malleeshiyaddii Raaskambooni inuu boqortooyo ka sameystay Kismaayo, taasoo Kenya ku ilaalinayso kursiga.
Xad-gudubyo badan ayuu Maamulkiisa ka geystay Kismaayo, oo dilal, kufsi iyo barakicin ay kamid yihiin, iyadoo taasi dheertahay in dadkii asalka ahaa ay magaaladda ka carareen cabsi darteed.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.