Axmed Madoobe oo xanuunsan, lana dhigay Isbitaal dibadda ah

Hogaamiyaha maamul goboleedka ayaa bishii July ee la soo dhaafay ku dhex siibtay suuliga, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray dhabarka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu dhabarka ka jabay.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo xanuunsan, lana dhigay Isbitaal dibadda ah

KISMAAYO, Soomaaliya - Xog ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe la sheegay in uu xanuunsanayo, isagoo todobaadyo uusan meel fagaare ah kasoo muuqan.

Madoobe ayaa markii ugu dambeysay 21-kii July meel fagaaro ah lagu arkay kadib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamza Cabdi Barre oo horay u ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jubbaland.

Hogaamiyahan kaligii-taliska ah, ayaa bishii July ee la soo dhaafay ku dhex kufay suuliga gurigiisa, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray dhabarka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu dhabarka ka jabay.

Ilo-wareedka ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in Madoobe markii hore la dhigay Isbitaal ku yaalla magaaladda Nairobi, balse markii ay xaaladiisa ka sii dartay loo qaaday Imaaraadka si loogu soo daweeyo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubaland oo ku aadan xaaladda Caafimaad ee Axmed Madoobe oo horay u soo noqday hogaamiye katirsan Al-Shabaab iyo horjooge Malleeshiyaddii Raasmaanbooni kahor inta uusan sanadkii 2013-kii noqon madaxweynaha Jubbaland.

Madoobe ayaa dabayaaqadii sanadkii 2012 ka qabsaday Al-Shabaab magaalada dekedda leh ee Kismaayo, isagoo wata Ciidamada difaaca Kenya [KDF] oo ka caawiyay inuu ku guuleysto hadafkiisa.

Intii uu madaxda ka ahaa, Kismaayo waxaa ka dhacay kufsi loo geystay haween iyo dilal qorsheysan oo lala beegsaday odayaasha dhaqanka, ganacsatada, iyo dadka firfircoon ee loo arko inay mucaarad ku yihiin maamulka Madoobe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.