KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay ee la soo dhigay Tra-piano ayaa la sheegay inuu ahaa baabuurka nooca Kaaribta loo yaqaano, waxaana la sheegay in gaariga gudihiisa ay ku siijireen kaartoomo ay ka buuxaan Miinooyin iyo bambooyinka gacmaha laga tuuro.
Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa dadkii ku sugnaa suuqa Tra-piano ku amray inay si deg deg ah uga fogaadaan gaariga ay walxaha qarxa ka buuxaan.
Lama oga cida meesha soo dhigtay walxahani qarxa, saraakiisha dhanka amaanka ee Dowladda wali kama aysan hadlin arrintani, balse waxaa ay qeyb ka tahay falalka lagu waxyeleynayo amaanka caasimada Muqdisho.
Keydmedia Online -Xafiiska,Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.