KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxaa soo kordhaya baaqyada loo dirayo Dowladda waqtigeedu dhamaaday oo ku addan in shirka wada-tashiga lagu qabto magaalada Muqdisho.
MUQDISHO, Soomaaliya - Urur-ka Isu-tagga Bulshada Rayid-ka Sooomaaliyeed ayaa ka mid noqday Urur-rada iyo shaqsiyaadka dalbanaya in shirka la iclaamiyay inuu dhacayo 15 Febaraayo lagu qabto Magaalada Muqdisho.
Isu-tagga Bulshada Rayid-ka Sooomaaliyeed ayaa DF iyo Dowladaha xubnaha ka ah ku eedeeyay in ay lumiyeen fursado badan iyo waqti qaali ah si loo dhaqan galiyo heshiiskii 17-kii September 2021 lagu gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Warqad ka soo baxay IBRS, ayaa lagu yiri “Si aysan u lumin kalsoomida dadku ku qabaan hore u socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya Isu-tagga Bulshada Rayid-ka, wuxuu soo jeedinayaa qodobada hoos ku qoran”.
Ugu danbeyn Urur-ka Isu-tagga Bulshada Rayid-ka Sooomaaliyeed, waxa ay wax-garadka ugu baaqeen in loo istaago raadinta heshiis dhab ah iyo hirgalinta doorasho loo dhan-yahay.
KEYDEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.